Madaxwaynaha Somaliland Oo Bulshadda Ugu Baaqay Inay Ku Baraarugaan Fidmadda Golaha Sharci darrada ahi

0

Madasha-wada-tashiga-300x225Hargeysa(AGGM)Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bulshadda uga digay in ay waxba ka dhegaysan xubno uu ku tilmaamay inay dhibaato kula dhex jiraan bulshadda.

Waxaanu madaxwaynuhu si gaar ah farta ugu fiiqay golaha sharci darada ah ee la baxay Madasha Wadashiga, kuwaasi oo si indho la’aan ah u dhaliilay safarka shaqo ee uu madaxwaynuhu ku marayo qaar ka mid ah goboladda barri ee dalka.isaga oo tilmaamay in aanay xubnahaasi malaha aqoonsanayn in dalku uu balaadhan yahay, isla markaana uu isagu madaxwayne u wada yahay dhammaanba bulshadda ku dhaqan goboladda kala duwan ee dalka.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay u jeediyay dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Oodwayne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, halakasi oo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayaa ay shalay duhurnimaddii gaadheen.
Sidoo kale madaxwayne Axmed Siilaanyo, ayaa dadwaynaha Somaliland ugu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan, isla markaana ay ogaadaan xubnahaasi qaska iyo dhaleecaynta qaawan bulshada ka dhex wada.

madaxwaynuhu Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan dadwaynaha uga digayaa in sidii horeba looga waramay, waxaa jira dad badan oo ummadeena waxyaalo dhibaato ah mooyaane aan wax kale ka shaqaynin, oo had iyo jeer ka hadla waxyaabo bulshada kala fogaynaya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwaa la sheegayay, ee odhanaya muxuu madaxwaynihii ka doonay Barri, Muxuu Burco ka doonay, oo malaha filayay in uu Hargaysa uun madaxwaynuhu fadhiyo, oo aan aqoonsanayn in uu dalku qaybo kale leeyahay, oo uu balaadhan yahay, oo aan annigu ummada Somaliland oo dhan madaxwayne u wada ahay, oo ummada iyo gobol waliba u baahan yahay in wax loo qabto, oo loo baxo, oo loo tago, kuwaana ogaada, oo ka war-qaba, oo yur dhaha, oo bax-dhaha, wixii aad odhanaysaanba dheha”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com