Eng. Yarisow Oo La Kulmay Wasiiru Dowlaha Dibedda Iyo Horumarinta Ee Ireland (Sawiro)

0

564517_632960630057922_113777810_nLondon(AGGM)Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada ayaa aanta magaalada Dublin ee dalka Ireland kulan la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Horumarinta ee dalka Ireland oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda & Horumarinta caalamiga H.E. Joe Costello T.D ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Don Sexton iyo Karen Miller oo ka socotay Irish Aid.

Eng. Yarisow ayaa warbixin kooban siiyey Wasiiru Dowlaha ee xaaladda dalka iyo horumarka ballaaran ee dowladda uu madaxweynaha ka yahaya Xasan Sheikh Maxamud, kana codsaday in Dowladda Ireland ay xiriirkii diplomaasiyadeed la bilaabaan Somalia iyo gar-gaarka bani’aadanimo uu noqdo mid lagu taageero hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Ireland ayaa u mahadceliyey Eng. Yarisow booqashadiisa Ireland, sheegeyna in dalka Ireland ay diyaar u yihiin inay xiriirkii Soomaaliya bilaabaaan, isla markaana sheegey inay joogteeynayaan kaalmada bani’aadanimo ayna waafajinayaan dariiqa lagu kobcinaya dowladnimda Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya kula kulmo New York oo uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobey.

– DHAMAAD –

15073_632960546724597_94626043_n564517_632960630057922_113777810_n1186076_632960713391247_1138261006_n