Dhageyso: Wasiir Fiqi Oo Ka Hadlay Heshiis Dhexmaray Wasaaradaha Gashandhiga Talyaniga Iyo Somaliya

0

g3London(AGGM)Wasiirka gashaandhiga dawlada federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxafadda la hadlay ayaa ka hadlay heshiis ay kala saxeexdeen labada wasaaradood ee gashaandhiga dalka Soomaaliya Iyo tan dalka Talyaanigu,waxaana uu wasiirku sheegay in dawlada talyaanigu balan qaaday inay tababaro u fidineyso ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Fiqi waxaa uu shaaciyey in dawlada Talyaanigu ay sheegteyn inay dawlada Soomaaliya ka caawin doonto dhinaca amaanka iyo horumarka dalka Soomaaliya,waxaana uu wasiir fiqi shaaciyey in dawladda talyaanigu ay sheegtey inay wax badan ka qaban doonto dhibaatada dhinaca ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu wasiirku sheegey in hadii ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ay helaan tababaro wanaagsan ay awood u leeyihin inay meel kasta ugu tagaan kooxda Alshabaab oo uu ku tilmaamay inay ku dhumaalaysanayaan meelo ka mid ah dalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in dhawaan soomaaliya laga sifeyn doono Alshabab.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WASIIRKA-GAASHAANDHIGA-SOOMAALIYA-C-XAKIIN-FIQI.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com