Daawo: Sarkaal Ka Tirsanaa Liyuu Boliiska-Kilinka 5-aad Oo Baxsaday Arrimo Badana Kashifaya

0

hqdefaultLondon(AGGM)  Faysal Axmed Maxamed waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka Maamulka Kilinka 5-aad ee loo yaqaano Liyu Boolis,waxaana uu dhashay Gobolka Fiiq,Degmada Garbo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxaana uu sheegay inuu ka soo baxdsaday Maamulka Kilinka 5-aad markii uu dul qaadan waayey dhibaatada ay ku hayaan shacabka.

Waxaa uu ka sheekenayaa arrimaha ku kalifay inuu ka soo baxsado Dawlada degaanka Soomalida,waxaana uu sheegay inuu dul qaadan waayey xasuuqa iyo kufsiga ay ciidamadaasi ku hayaan dadka degaanka, waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin baaxad leh oo shacabka ku qabaan isla markaasna ciidamada liyu boolis iyo kuwa Axmaaradu u geystaan dadka shacabka ah.

Waxaa uu ka hadlay horaantiisi ka hadlay qaabkii uu noqday ciidamada Liiyu booliska,waxaana uu sheegay in lagu khasbay inuu qayb ka noqdo ciidamadaasi maadama uu xirnaa mudo sanad iyo bar ah,taasi ay sababtey inuu xornimadiisa ku bedeshay inuu ka mid noqdo Liyu Boolis.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu ku jiri jrey Jeelka lagu magacaabo Jeel Ugaadeen,waxaana uu sheegay in jeelkaasi yahay mid dadku lagu khasbo inay sheegtaan inay ka mid yihiin ONLF inay ka mid ahayeen hadii kale jirdil 24 saac loogu geysanayo,waxaana uu sheegay inay dadku sheegtaan inay ka mid ahayeen jabhadda ONLF xitaa kuwa aan waligood ka qayb noqon jabhadda ONLF:

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com