Wasiirka Kheyraadka Dalka oo Maanta ku soo laabtay Dalka, Kana Warbixiyay Socdaalkiisa “Sawirro”

0

DSC01977Muqdisho(AGGM) Wasiirka Kheyraadka Dalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo uga maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kheyraadka Dalka Saciido Xasan Cismaan, isku duwaha Wasaaradda Kheyraadka Dalka Jabriil Maxamuud Geedi, Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada.

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo markii uu soo degay ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in safar uu ku tagay wadamada Belgium, Britain, islamarkaana uu kaga qeyb galay shirar Caalami ah, waxaa uu sheegay in shir looga hadlayay wax soo saarka dalal ka tirsan Afrika,iyo sida loo maareynayo, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku soo gabo gaboobeen guul .

C/risaaq Cumar Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in uu ka qeyb galay shirka lagu gabagabeeyay Magaalada Brusless oo Soomaaliya loogu yaboohay lacag aad u fara badan oo lagu maareeynayo baahiyaha jira, waxaana uu tilmaamay in faa’ido badan ay Soomaaliya ugu jirto.

Wasaaradda Kheyraadka Dalka oo ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku howlantahay maareynta Kheyraadka dalka, iyadoo Wasiirka uu sheegay in wasaaradiisu ay ku dadaaleyso sidii dib loo soo nooleyn lahaa waxsoo saarkii dalagyada dalka, ayna dhiiri gelin doonaan dadka hadda arrimahaasi u taagan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC01966DSC01968DSC019641DSC01970DSC01977