Kampala(AGGM)Jariirada The Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Ugandha islamarkaana soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Taliska Cidamada Milatariga dalkaasi, ayaa sheegeysa in shaqadii laga fariisiyay ilaa 20 saraakiil milatari ah oo u dhashay dalka Ugandha, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuq maasuq la xiriira in ay suuq madoow ku iibsan jireen cunada iyo shidaalka ciidamada AMISOM loogu tala galay.
Xubnaha dacwada loo haysto ayaa waxa ka mid ah Taliyaha ciidamada dalkai Ugandha Mechel Ondonga iyo saraakiil kale Afhayeen u hadlay ciidamada Militariga dalka Uganda Cornel Bady Akunda oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay BBC-da qeybteeda World Service, iyo wakaalada waraarka Faransiiska AFP ayaa cadeeyay in ay jirto dacwadaha loo haysto saraakiishaasi ee shaqada laga fariisiyay, waxaana uu xusay in ay wajahayaan talaabo sharciga waafaqsan.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in saraakiisha qaarkood aan wax mushaaraad ah aan la siin jirin raashinkoodina la iibsanayay, waxaana la filayaa ayuu yiri baaritaano dhab ah in la sameeyo ka dibna maxkamad la soo taagi doono, wixii sharciga waafaqsan ayaa lagu qaadi doonaa.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa joojiyay magacaabista Michel Odonka oo u magacaabi lahaa Danjiraha u fadhiy magaalada Nairoobi ka dib markii uu qeyb ka noqday dadka dembiyadaasi lagu helay ee musuqa ah, sidaasina waxaa sheegtey jariirada madaxa banaan ee Daily Monitor ee dalka Uganda ka soo baxda.
Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Corrnel Cali Adan Xumud in wax laga xumaado ay tahay falkaasi ay ku dhaqaaqeen saraakiisha loona baahanyahay in xaqiiqda laga abaaro sida uu yiri.
Dowladda Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo kor u dhaafaya 6 kun oo askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlagalka lagula dagaalamayo kooxda Shabaab waxaana inta badan dhaqaalahooda bixiya midowga Yurub iyo Qaramada midoobay.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-CIIDANKA-AMISOM.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com