Midawga Yurub Oo Shirkii Brussels Ugu Qoondeeyay Somaliland Nidaam Gaar ah Oo Loola Macaamilayo

0

Midowga-Yurub-198x300London(AGGM) Shirweynihii midowga Yurub ee heshiiska cusub ee Soomaalida loogu qabtay Brussels 16 Sebtember, ayaa loogu qoondeeyay Somaliland qorshe howleed gaar ah oo ka duwan ka Soomaaliya, kaasi oo ay ku helayso qaybta ay xaqa ugu yeelatay deeqda horumarineed ee shirkaasi lagaga yaboohay.

Sida lagu baahiyay warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirka Habka gaarka ah ee Somaliland looga qorsheeyay heshiiska cusub ayaa waxa uu ayidayaa mabdi’iyan afar qodob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:
Heshiiska cusub waxa uu aqoonsan yahay guulaha horumarineed ee Somaliland gaadhay, xaaladaheeda gaarka ah iyo awoodaheeda, waxaana lagu dabaqayaa hayadaha qorshaha horumarineed ee qaran ee ay iska leedahay Somaliland, kaasi oo diiradda saaraya koritaanka dhaqaale. Balse aan ahayn degganaanshaha sida looga baahan yahay Soomaaliya.

Shirweynaha heshiiska cusub waxa uu qirayaa in ay dawladda Somaliland tahay awood maamul dawli ah oo sharci ah, oo ay deeqbixiyayaashu la shaqaynayaan hayadaheeda, iyada oo ay wakiiladooduna ku sameynayaan la xisaabtan, isku dubaridka kaalmaha habab ku salaysan qiimayn iyo la socod.

Waxa hore loo marinayaa geedi socod ballaadhan oo la talineed oo ay iska leedahay Somaliland oo wada gaadhay gobollada oo dhan, kaasi oo ku salaysan waxyaabaha kala duwan ee ahmiyadda la kala siinayo tan iyo markii ugu horaysay ee la bilaabay qorshaha horumarineed ee Qaran. Waxaana arrintani miisaan weyn u yeelaya ujeedooyinka sanduuqa horumarinta Somaliland, sidaasi awgeedna waa arrin fidsan oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.

Waxa heshiisku siinayaa qorshe hawleedka Somaliland iyo soomaaliya oo ay beesha caalamku u raaci karto meelo kalena. Waxaanu oggolaanayaa taageero horumarineed oo u kala gaar ah labada dal oo u fasaxaya Somaliland iyo Soomaaliya in ay wada guulaystaan, iyada oo go’aamada siyaasadeed loo dhaafayo Soomaalida laftirkooda.

Somaliland waxa horeba uga hirgalay mabaadi’da heshiiska cusub oo dabaqaya hawlaha sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), iyada oo ay doorbidayso dawladda Somaliland hab maaliyadeed ku xidhiidhsan kaalmada horumarinta caalamiga ah.

SDF waxa sameeyay dawladaha Ingiriiska iyo Denmark 2012, waxaanu ku salaysan yahay mabaadi’da heshiiska cusub.

Mabaadii’dan ayaa ah kuwo uu dalku iska leeyahay, waxaanu la raacayaa hababka dalka ka jira, isaga oo la jaanqaadaya qorshaha horumarinta qaran ee Somaliland.

Somaliland waxa ay horumarisay maamul maaliyadeed caam ah oo ku salaysan qiimayn ballaadhan oo dalka oo dhan koobaysa, taasi oo si dhaqso ah loo dhaqaajin doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com