Marwadda Koowaad Oo Kormeertay Xarun Cusub Oo Loo Binaynayo Agoomaha Burco (Sawiro)

0

Marwadda-Madaxweynaha-300x200Hargeysa(AGGM) Marwadda Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Weris” oo ku sugan Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta kormeer ku soo samaysay goobta laga dhisayo Xarunta Daryeelka Caruurta Agoomaha ee Magaaladda Burco.

Wakiilka hay’ada HEEDO Marwo Amaal Cali Maxamed ayaa Marwadda Madaxweynaha warbixin ka siisay marxaladihii ay soo martay Goobta loo dhisayo Caruurta Agoomaha ah ee Magaaladda Burco.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa baaq u jeedisay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa samo falka Waddaniga ah ee u dhaq dhaqaaqa daryeelka Caruurta Agoomaha ahi oo ay ku dhiirigelisay inay qaybtooda ka qaataan hirgalinta Xaruntan.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa uga Mahadcelisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamud Jirde “Aamina Weris” dadaalka ay ugu Jirto inay ka dhabayso hirgalinta xaruntan oo qayb weyn ka qaadan doonta sidii ubadka agoomaha ahi ay u heli lahaayeen goob lagu xanaaneeyo laguna daryeelo.

Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Weris” ayaa oo halkaas ka hadashay ka warantay Ujeedooyinka laga leeyahay Xarumaha noocan oo kale ah waxaanay sheegtay in Xaruntaas laga hirgalinayso magaalada Burco ay ku faraxsan tahay halka ay maanta marayso.

“Waxaan ku faraxsan nahay in Goobtan oo aan sannad iyo badh ka hor dhagax dhigay inay maanta heer lagu faano marayso,wax alaaliyo wixii aanu ku tari karno waxba kala hadhi mayno,ha ahaato eray aanu u nidhaahno, Guubaabo aanu u samayno ama Maa-lgelinta oo aanu ka qayb qaadano diyaar ayaanu u nahay wax kasta oo ay ku kacayso dhamaystirka xarunta agoomaha ee magaalada Burc,”ayay tidhi Marwo Aamina Weris.

Marwadu waxay u Mahad- celisay hablo isu xil saaray hirgalinta Xaruntan iyo dawladda hoose ee Burco oo door muuqda ku leh dhamaystirka Xaruntan iyadoo xustay in dhismahani uu noqon doono hoy lagu dhiso Mustaqbalka ubadka agoomaha ah.
Geesta kale waxay Marwadda Koowaad kulan kula qaadatay magaalada Burco haweenka kala duwan ee ku nool magaalada burco kaas oo lagaga arrinsanayay horumarinta haweenka Magaaladaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Masuuliyiinta-haweenkadhismaha-agoomaha-Burco