Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulammo Kula Qaatay Baydhabo Odayaasha Dhaqanka iyo Ururrada Bulshada Rayidka “SAWIRRO”

0

IMG_2794Baydhabo(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin gobolka Baay ayaa magaalada Baydhabo kulammo kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada rayidka.

Kulamadan kulankii ugu horeeyey ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka wadajir ula qaatay Odayaasha dhaqanka gobolladan iyo Xildhibaanno ka badan 50 waxaana kulankaasi uu ahaa mid wadatashi ah ayadoo Odayaasha dhaqanka ay si aad ah u ammaaneen sida wadatashiga leh ee uu Gudoomiyaha Baarlamaanka tixgelin u siinayo talada odayaasha.

Kulankii ku xigan kulankaasi waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah ee gobolka Baay waxaana kulankaasi uu ahaa mid uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku dhageysanayey fikirkooda,sidoo kalena Bulshada rayidku waxey Gudoomiyaha weeydiiyeen su’aallo la xiriira qorshayaasha Dowladda gaar ahaanna arrimaha Federaalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulammadii uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada rayidka ay ahaayeen kuwo wadatashi ah oo la xiriiray sida ay dadka gobolladan ku dhaqan uga tashan lahaayeen aayahooda gaar ahaanna sida ay maamul u sameysan lahaayeen in laga tashto.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay saxaafaddu weeydiisay su’aal la xiriirtay in odayaasha Dhaqanka gobolladan ay dhowaan sheegeen iney kalsoonidii kala laabteen Dowladda ayaa sheegay inaanay Odayaasha dhaqanku kala noqon kalsooni, cida kalsoonida dowladda kala laaban kartana ay tahay Baarlamaanka waxaana uu si cad u qiray inaanay jirin haba yaraatee wax khilaaf ah.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

IMG_2645IMG_2647IMG_2650IMG_2661IMG_2692IMG_2665IMG_2721IMG_2702IMG_2693IMG_2718IMG_2730IMG_2794