Dhageyso: Kulamo Ka Socda Baydhabo & Axmed Madoobe Cambaareyn Loo Jeediyey

0

baydhabo1Muqdisho(AGGM) Xarunta Gobolka Bay ee Magaalada Baydhabo oo ay shalay gaareen laab wefti oo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya oo uu hormuud u yahay gudoonka baarlamaanka Prof Jawaari ayaa maanta kulamo ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

Kulamadan oo ka socda Magaalada Baydhabo waxaa looga hadlayaa sidii Goboladda Koonfur Galbeed soomaaliya loogu sameyn lahaa Maamul Gobolleed ay ku mideysan yihiin dadka ka soo jeeda degaanadaasi,waxaana la sheegaya in kulamadaasi ay yihiin kuwo lagu gorfeyn doono arrimahaasi.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Cismaan Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada kulamo u socdaan isla markaasna ay kulamo muhiim ah la leeyihiin waxgaradka iyo dadka ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana uu sheegay in looga tashanayo aayaha goboladaasi.

Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlayaa kooxda Raaskambooni ee dulaanka ku soo qaaday Gobolka Jubadda Hoose,waxaana kulankaaasi lagu sheegaya in Kooxda Raaskambooni iyo horjoogohoodu faraha  kala baxaan arrimaha gobolladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,waxaana halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Isaaq Fanax.

Ugu dambayntii kulamadan ayaa lagu wada inay halkaasi ka sii socdaan ilaa maalmaha soo socda isla markaasna xildhibaano gaaraya in ka badan 60 mudane ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo kuwaasi oo ka tashanaya aayahadda gobolladda Koonfur Galbeed Soomalaiya,waxaana cambaareyn loogu jeedinayaa Kooxda Raaskambooni oo dhibaato baahsan ku haysa shacabka Magaalada Kismaayo.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-XILDHIBAAN-MAXAMED-ISXAAQ-FANAX.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com