Dhageyso: Dawladda Oo Xabsiga U Taxaabtey Xoghayihii Arrimaha Dibedda Xisbul Islam

0

Maxamed-MacalinMuqdisho(AGGM) Ciidamada nabad sugidda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay xabsi u taxabeen Xoghayihi Arrimaah dibedda ururka Xisbul islaam Shiikj Maxamed Macalin,waxaana la sheegaya inuu hadda ku xiran yahay Xarun ay leeyihiin ciidamada nabad sugidu.

Xarigga Masuulkan ayaa la sheegaya inuu daba socdo shir jaraa’iid uu maalin ka hor ku qabtay magaalada Muqdisho isla markaasna kaga hadlay arrimo khuseeya xarigga Shiikh Xasan Daahir Aways,waxaana la sheegaya in Ciidamada nabad sugidu arrimahasi ka waraysan doonaan.

Maalin ka hor ayay ahayd Markii Shiikh Maxamed Macalin warbaahinta u sheegay in Shiikh Xasan Daahir laga wareejin doono xabsiga uu ku jiro isla markaasna loo wareejin doono xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho isagoo raaciyey in Maxkamad mileteri la saari doono,waxaana la sheegaya in arrimahaasi wax badan laga waydiin doono.

Sidoo kale waxaa u Shiikh Maxamed Macalin shaaciyey inuu 24 saac ee la soo dhaafay uu la kulmay Shiikh Xasan Daahir isla  markaasna uu dhawr jeer kala hadlay arrimihiisa caafimaad iyo qaabka ay ula dhaqmaan ciidamada nabadsugidu,waxaana lagu wadaa inuu xabsi wajaho Shiikh Maxamed Macalin.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-MID-KAMID-AH-EHELADA-SHEEKH-MAXAMED-MACALIN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com