Daawo: Dawladda Federaalka Ah Oo Faroole Ku Bah-Dishay Shirkii Brussels Iyadoo Kashaneysa EU-da

0

FAROOLELondon(AGGM) Maamul goboleedka Puntland, ayaa dowladda federaalka ah ee  Somalia ku eedeeyey inay mas’uul ka ahayd in khudbad Faroole uu ka jeediyey shirii New Deal aan  marnaba la baahin.

Saraakiil ka tirsan maamulkaasi ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ka codsatay Midowga Yurub  in la damiyo dhammaan kaamirooyinkii duubayey munaasabadda, markii la gaaray khudbadda  Faroole.

“Shirka waxaa hogaaminayey madaxweynaha Somalia iyo Midowga Yurub, isagaana amray inaan la  baahin khudbaddii madaxweyne Faroole”, waxaa sidaas lagu yiri hadal qoraal ah oo lasoo dhigay  website-ka dowladda Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in CD-yo loo qeybiyey ka qeyb galayaashii shirka, markii uu  dhammaaday kadib, aan sidoo kale lagu soo darin khudbadda Faroole, taasi oo sidoo kale ay ka  dambeyso Dowladda.

Wiil uu dhalay Faroole ayaa khudbadda aabihiis kaga duubay taleefoonka gacanta, sida aadka arki  kartaan hoos, waxaana ay soo baxday markii lagu kala tagay shirka kadib.

Si kastaba xubno ka tirsan waftiga Dowladda ee ka qeyb galay shirka ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn xanibaadda lagu sameeyey khudbaddii  Faroole, taasina ay mas’uul ka yihiin Midowga Yurub.

“Innaga maba ogeyn in Faroole uu khudbad ku lahaa shirka, waayo ajnedahaba kuma jirin, mana naqaan xilli lagu soo daray, waxaanaba ka war helnay  isaga oo hadlaya” ayey tiri DF Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com