Cabdikariim Xuseen Guuleed Oo La Kulmay Raisalwasaraha Dalka Yemen(sawiro)

0

DSC015472Sanca(AGGM)Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumada soomaaliya mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Sanca kulan kula qaatay madaxweynaha dalka yemen Cabdi rabi Mansuur Haadi,ra’iisul wasaaraha dalkaasi iyo saraakiil ciidan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay iskaashi dhanka aminga ah oo ay wada yeeshaan labada dal,la dagaalanka burcada badeeda,argagixisada,arrimaha qaxootiga,tababarida ciidamada iyo tahriibka sharci darada ah.

Qunsulka Dowlada soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani ayaa radio muqdisho u sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee xukuumada soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed uu ra’iisul wasaaraha dalka yemen warbixin ka siiyay xaalada amni ee dalka soomaaliya,baahiyaha jira iyo sidii dowlada yemen ay gacan kaga geeysan lahayd baahinta nabadda iyo hirgalinta dowlada soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka yemen ayaa sheegay in dowladiisa ay gacan ka geeysaneeyso sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya,dibna loogu soo celin lahaa deganaashihii iyo kala dambeyntii.Ra’iisul wasaaraaha dalka yemen ayaa sheegay in xiriir qota dheer uu ka dhaxeeyo labada dal,islamarkaana dano badan ay wadaagaan labada dal.

Qunsulka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumada soomaaliya uu sidoo kale maanta la kulmay madaxweynaha dalka yemen Cabdi rabi Mansuur Haadi isagoo u gudbiyay dhanbaal uu uga siday madaxweynaha iyo ra’iisl wasaaraha jamhuuriyada soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada soomaaliya ayaa madaxweynaha dalka yemen warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka soomaaliya ee dhinacyada nabadda ,siyaasada iyo sida wadamada caalamka ay hada ugu soo jeesteen wax u qabashada soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowlada yemen uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen iyo sida dowlada yemen ay u marti galisay qaxooti soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Madaxweynaha dalka yemen ayaa sheegay in xiriir qota dheer oo walaaltinimo uu ka dhaxeeyo labada dal,islamarkaana danta dalka yemen ay ku jirto soomaaliya oo mid ah islamarkaana nabad ah.Madaxweynaha dalka yemen ayaa balan qaaday in ay soomaaliya ka taageeri doonaan dhinacyo fara badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC016021DSC01532DSC015472