Amaanka Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo Oo Laga Warbixiyey

0

IMG_0075Baladxaawo(AGGM) Guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed (Canjeex)  oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay xaaladaha kala duwan ee ka jira degmada luuq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmadda ayaa sheegay in xaalada ammaan ee degmadda Luuq ay tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana degamada xiligani  laga dareemayo horumaro dhinac waliba leh,  wuxuuna sidoo kale sheegay in degmada ay hadda u soo laaabatay adeegyadii bulashada oo ay meesha ka saareen maleeshiyadii ay al Shabaab,  intii ay halkaasi ku sugnaayeen.

Axmed Buule Maxamed Canjeex guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ee degmadaasi ku sugan ay tababaro ka helaan saraakiisha ciidamada  Ethiopia  ee ku sugan degmadaasi.

Hadalka guddoomiyaha degmadda Luuq ayaa imaanaya xili horumaro fara badan laga dareemayo degmada Luuq gobolka Geddo ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com