Warmurtiyeedka Shirkii Soomaaliya Ee Brussels

0

A251C18D-42D1-4F6A-8946-18034ED04723_w640_r1_sLondon(AGGM) War murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Higsiga cusub ee Somalia ee shala ka dhacay Beljimka ayaa lagu bilaabay,  beesha caalamku waxey kulankan yeelatay waqti aad muhim u ah oo ay Somalia cagta saartay dhabihii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, ka dib muddo ka badan 21 sanadood oo ay colaad dhex maquuranayeen shacabka Somaliyeed.

War murtiyeedku waxuu soo dhaweeyay horumarka siyaasadeed iyo midka amni ee Somalia ay gaartay, waxuuna amaan u soo jeediyay hogaanka dowladda Somalia sida ay ula shaqeynayaan dhinacyada ay ka go’odo talada Somalia iyo beesha Caalamka.

Gaar ahaan kaalintii ay ku lahaayeen suurtagelinta shirarkii midkan ka horeeyay ee lagu qabtay London iyo Yokahama.

War murtiyeedka waxaa lagu yiri, waxaan xaqiijineynaa sida aan ula dhacsanahay isbedelka yidadiilada leh ee Somalia, waxaan dhiiri gelineynaa dib u heshiisiinta, waxaan ku celcelineynaa taageerada aan u heyno qaranimada, madax banaanida dhuleed iyo midda siyaasadeed ee Somalia, si aan taageeradaa u muujinana waxaan qalinka ku duugnay qorshaha higsiga cusub ee Somalia, hirgelintiisana aan garab istaaganahay.

War murtiyeedka waxaa lagu yiri heshiiskan waxuu daliil u yahay is bahwadaagsi cusub iyo iskaashi ku saleysan isla xisaabtan iyo maareyn oo u bilowday dowladda Federalka ah ee Somalia, Baarlamanka Somalia, Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

Qorshahan cusub ayaa u qoondeeyay Somaliland Hanaan u gaar ah ku salaysan mabaadiida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada tamarta yar.

Qorshaha taageerista Somalida ayaa ujeedka laga leeyahayna uu yahay ayaa lagu yiri war murtiyeedka, sidii mustaqbal wanaagsan loogu abruuri lahaa dhamaan shacabka Somaliyeed, oo loo xoogin lahaa hanaanka wada hadalka.

Arintan ayaa horumarineysa ayaa lagu yir war murtiyeedka dib u heshiisiin siyaasadeed, taabagelinta nabadda, amaanka, cadaaladda iyo horumar waafi ah oo ay gaarto Somalia.

War murtiyeedka ayaa lagu amaanay doorka Ay Igad iyo midwoga Africa ku leeyihiin nabadeynta Somalia.

Waxaa uu booriyay in la taageero ciidamada Amisom lana xaqiijiyo dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Somalia.

War murtiyeedku wuxuu sidoo kale booriyay in haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo qurba joogta  ay door ku yeeshaan horumarinta amaanka iyo siyaasadda.

Waxaa lagu cambaareeyay falalka argagixiso ee Al-shabab ka geysato Somalia , iyadoo lagu soo dhaweeyay shirkii xag jirnimada looga hadlayay ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, ee lagu casuumay culumada Somaliyeed.
Qorshahan caalamiga ah ee the new Deal ee qalinka lagu duugay sanadkii 2011kii ayaa si gaar ah ugu wajahan taageerista dalalka colaadaha ka soo baxaya ee xaaladu aysan cagaha adag ku taagneyn ee k u jira xilli kala guurka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com