Nin Mareykan Ah Oo DadKu Laayay Xero Ku Taal Magaalada Washington DC.

0

dilaagaWashington (AGGM): Nin hore uga tirsanaa ciidamada keydka ah ee Mareyknka ayaa xero ku taal magaalada Washington ku laayay dad shicib iyo ciidan isugu jira.

Aaron Alexis ayaan  ilaa iyo haatan la garaneyn sababta uu weerarkan u qaaday,balse asxaab uu lahaa ayaa saxaafada u sheegay in uu ka careysnaa gunooyinkiisi ciidamada oo aanu qaadan.

Asxaabtan ayaa sidoo kale sheegay in ninkani ahaa mid dadka caawiya oo aad u dabeecad fiican.

Aaron Alexis ayaa weerarka uu ku qaaday xeradan ciidamada ee Washington waxa uu ku dilay 12 ruux.

Ciidamo isugu jira boolis iyo militry ayaa oo u gurmaday xerada weerarku ka dhacay waxa ay togasho ku dileen ninkan weerarka geystay.

Booliska magaalada Washington iyo ciidamada denbi baarista ee FBIda ayaa baaraya in ay jirto cid Aaron Alexis ku wehelisay weerarka.

Magaalada Waashibgton khaasatan goobta weerarku ka dhacay oon sidaa uga sii fogeyn aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo ayaan isu socodka la ogoleyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com