Hay’adda OXFAM Oo 50 Milyan Oo Pound Ugu Deeqaysa Soomaaliya.

0

OXFAMLondon (AGGM): Hay’adda OXFAM ayaa maanta sheegtay in Soomaaliya ay ugu deeqayso 50 Milyan oo Pound si ay qeyb ugu noqoto lacagaha ay ku deeqeen dalalka caalamka ee saddexda sano ee soo socoto lagu hormarinayo arrimaha waxbarashada, dib-u-heshiisiinta, caddaaladda, xoojinta hay’adaha dowladda iyo ammaanka.

Madaxa arrimaha siyaasadda ee hay’adda OXFAM Max Lawson ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku soo laabatay waddadii nabadda iyo horumarka, isla markaana ay u baahan tahay taageero caalami ah oo suuragal ka dhigta xaqiijinta hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Max Lawson ayaa soo dhoweeyay 79 milyan oo dollar oo Britain ay ugu deeqday Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay wax ka tari doonto dib-u-dhiska dalka ku burburay dagaallada sokeeye.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la xiro xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin Bank-iyada, isagoo xusay in arrintaas ay dib-u-dhac u keeni karto horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Lawson ayaa ugu baaqay dowladda Ingiriiska inay ka hortagto qorshaha Bankiga Barclays ee dabayaaqada bishan ku doonayo inuu ku xiro xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Ingiriiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com