Fanaanadda Sahra Ileeya Oo Addis Ababa Ku Geeriyootay

0

Breaking-NewsAddis Ababa(AGGM) Allaha u naxariistee Fanaanadda Sahro Ileeye oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo ay ku xanuunsaneyd muddooyinkaan dambe.

Mid ka mid ah fanaaniinta kooxda Horseed oo la soo xariiray Allgalgaduud ayaa sheegay in Sahro Ileeye ay u geeriyootay xanuun in muddo ah hayay oo ku sheegay in muddo afar bilood ay xanuunsaneysay, markii horena loo qaaday magaalada Hergeysa caafimaad ahaan, kadibna loo gudbiyay magaaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo ay markii dambe ku geeriyootay.

Allaha u naxariistee Fanaanadda Sahro Ileeye waxa ay ka tirsaneyd fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana ay ifka kaga tegtay sideed carruur ah, iyadoo horey u qaaday heeso badan oo dhanka wadaniga iyo jeceylkaba isugu Jira, Waxaana horey uga geeriyooday Fanaaninkii Axmed Nuur Jaangoow.

Inaa Lilaahi Wa Inaa ileehi Raajicuun

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com