Dowladda Uganda Oo 24 Sarkaal Musuq Maasuq Shaqada Uga Joojisay.

0

AMISOMKampala (AGGM): Dowladda Uganda ayaa shaqada ka joojisay 24 sargaal oo lagu eedeeyay inay musuq-maasuqeen raashinka loogu talagalay ciidamada Uganda ee ka qaybta ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Afhayeenka ciidanka Militariga Uganda Colonel Paddy Ankunda ayaa u sheegay BBC-da qeybteeda Sawaaxiliga in saraakiisha lagu eedeeyay in cuntada iyo shidaalka loogu talagalay ciidamada ay ku iibinayeen suuqa madow.

Ankunda ayaa tilmaamay in madaxa guutada ciidanka Uganda Brigadier Micheal Ondoga uu qayb ka yahay saraakiisha ay ku socoto baarista la xiriirta musuqa.

Wargaysga madaxa bannaan ee Daily Monitor ee laga leeyahay dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ay maalintii hal waqti helaan cunno, taasoo uu wargayska sabab uga dhigay xatooyada raashiinka oo laga iibiyo shirkado gaar loo leeyahay.

AMISOM ayaa si aad ah ugu tiirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com