Muqdisho(AGGM) Gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan gurigiisa agtiisa waxaa maanta si bareer ah loogu toogtey Nabadoon Faarax Shidane oo ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho iyo goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya,waxaana dilkiisa ka dambeyey koox bistoolado ku hubeysnaa.
Marxuumkan ayaa aha raggi dhawaan Shiikh Xasan Daahir ka soo kaxeeyey Magaalada Cadaado,waxaana la sheegaya in dilkiisa lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab oo dabagal ba,an ku haysa dhamaan dadkii gacanta ka geystey soo qaadi taanka Shiikh Xasan Daahir Aweys ee magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka fulisay ayaa la sheegaya inay ka baxsadeen meeshii ay dilka fuliyeen,waxaana daqiiqado ka dib halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka ah oo baaritaano ku sameyey halkaasi balse aan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan cidii ka dambeysay dilka marxuumka.
Ugu dambeyntii Marxuumkan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso xabaalaha Magaalada Muqdisho,waxaana hadda Magaalada Muqdisho ka socda qabqan qaabada Aaska Nabadoonkaasi oo lagu wado inay ka soo qayb galaan madax ka tirsan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-ODAY-DHAQAMEEDKA-LA-DILAY-RUUXA-LA-EHEL-AH.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com