Dhageyso: Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Hadlay Dilkii Al Amriki & Khilaafka U Dhexeya Alshabaab

0

garoweLondon(AGGM) Madaxweyanaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka mileteri ee u dhexeya Kooxda Alshabab,waxaana uu sheegay in Alshabab burbureen isla markaasna iyagu hadda isku Mashquulsan yihiin,waxaana uu sheegey inay tahay fursad dawladu ka faaiideysan karto waqtigan.

Madaxweynuhu waxa u sheegey inay ka war hayaan dilka Alshabaab u geysanayaan saraakisha ka tirsan ururkooda,waxaana uu sheegay inay ka war heleen dilkii u dambeeyey ee loo geystay nin u dhashay dalka mareykanka kaasi oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ee ka soo horjeeda dawlada soomaaliya.

Madaxweynuhu waxaa uu daaha ka qaaday in waqtigii Alshabaab ay kala tagi lahayeen lagu jiro isla markaasna dawladu door muhiim ah ka ciyaari doonto sidi ay arrimahaasi uga faa’iideysan lahayd,waxaana uu sheegay in qorshaha dawladu yahay inay wax ka qabato dhibaatada baahsan ee dalka soomaaliya xilliga ka taagan.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-OO-KA-HADLAY-DILKII-AL-AMRIIKI.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com