Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabay Warqad lagu been abuurtay: Warsaxaafadeed

0

IMG_9858Muqdisho(AGGM) Anigoo tixraacaya warqad been abuur ah oo qaar kamid ah Website-yada Soomaalida lagu daabacay loona ekeysiiyay inay kasoo baxday xafiiskayga, waxaan xaqiijinayaa inaysan jirin warqaddaasi ayna tahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaan sugayaa inuusan wax xariir ah na dhexmarin aniga iyo Kooxda Somalia iyo Ereteriya kormeerta. Talaabo kasta oo shirkadda SKA laga qaadayo oo la xariirta heshiiska ay dawladda Soomaaliya gashay waa mid ay dawladdu og tahay isaga ayaana fulaya waana maslaxdo ay dawladdu u argtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dawladdu marna kama laabanayso go’aankeeda, mana jirto cid ay ka raali galineyso.

Balse waxaa nasiib daro ah in qolyahan been abuurka alifay ee naqshadeeyay warqaddani inay wax ka sheegaan sumcadda madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo horseed u ah dadaalka ay dawladdani ugu jirto la dagaalanka musuqa iyo maamul xumada. Waa marag ma doonto in madaxweynaha Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay nin aan u dulqaadanaynin musuqmaasuqa iyadoo ay dawladdani kusocoto hanaanka maamulka suuban ee saxarka tiran(transparent). Beenalayaashii warqaddan alifay waxay isku dayeen iney meel uga dhacaan sumcadda Marawo Asha Xaaji Cilmi oo ah shakhsi ku guuleystay abaalmarin caalami ah, kana tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ah marwada Raisul Wasaaraha Soomaaliya. Waa hubaal inay tahay muwaadin karaama iyo sharaf ku leh dalka iyo caalamka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn warqaddan been abuurka ahi waxay dhamaanteen ina xasuusineysaa baahida dagdagga ah ee loo qabo dhaqangalinta iyo meelmarinta xeerka saxaafadda si loo sugo xornimada saxaafadda sida uu qabo dastuurka dalka qodobkiisa 18aad isla markaana caddaaladda loo horkeeno kuwa caadaystay inay si xun u isticmaalaan masuuliyadda ay hayaan iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan. Dawladda Soomaaliya marna ka gaabsan mayso waanay fulineysaa in sharciga iyo caddaaladdu dhaqan galaan lana fuliyo

Md.Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com