Midowga Yurub Oo Lacag Gaadhaysa 1.8 Bilyan Euro Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya.

0

xasankaBrussels (AGGM):Waxaa caawa magaalada Brusless ee caasimada Belguim lagu soo gabagabeeyay shirkii hiigsiga cusub ee soomaaliya ee New Deal.

Markii uu soo idlaaday shirka uu mudo dhowr saacadood ah qaatay ayaa shir jaraa’id si wada jir ah saxaafada ugu qabtay madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kathrine Ashton oo ah xoghayaha arrimaha dibada ee midowga yurub ahna madaxweyne ku xigeenka midowga yurub waxana ay ku dhawaaqeen lacagtii ay wadamada reer yurub ugu yabooheen dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada soomaaliya loogu yaboohay lacag ka badan1.8bilyan oo Euro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu ka duwanyahay shirarkii hore loogu qaban jiray soomaaliya,isagoo sheegay in balan qaadkaasi lagu saleeyay baahida iyo muhiimadaha ay soo bandhigeen dadka soomaaliyeed,ka dib sedax bilood oo wada tashi balaaran la sameeyay lana soo badhigay baahidaas oo laga soo uruuriyay guud ahaan dalka soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagta la yaboohay ay dhamaanteed leeyihiin shacabka soomaaliyeed,iyadoo la sameeyay qaab lagu maamulo lacagtaasi,dowlada soomaaliyaa iyo wadamada bixinayana ay hogaamin doonaan maamulka lacagtaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagtan loogu tala galay in sedaxda sano ee soo socota wax looga qabto adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada,caafimaadka,ammaanka,cadaalada,dib u heshiisiinta,iyo dib u dhiska nabadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isla meel dhigay qaabkii lagu daba gali lahaa in la helo lacagtasi la balan qaaday,isagoo sheegay in la sameeyay gudi daba gal ku sameeya balan qaadkii lacageed ee la sameeyay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in aay is kaalmeeyaan maadama beesha caalamka ay muujisay sida ay u garab taagantahay shacabka soomaaliyeed oo ay iska dhaafaan khilaafaadka.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com