Dhageyso: Xasuuqa Kismaayo Ka Socda Oo Sii Xoogeystey,Maydad Hor Leh La Helay

0

xasuuqKismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose oo Sanadkan bartamihii ay si toos ah ula wareegeen ciidamada dawlada Kiiniya oo garab siinaya Maleeshiye beeleedka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay saacadihi la soo dhaafay gudaha Magaalada Kismaayo ka wadeen Xasuuq baahsan.

Xasuuqan ayaa la sheegay in lagu dilay dad tiro badan kuwaasi oo ay dileen Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ka soo duulay degaanada Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay,waxaana la sheegayaa in xalay Gudaha Magaalada Kismaayo ku dileen 3 ruux oo meydkoodu yaalo isbitaalka Magaalada Kismaayo kuwaasi oo koronto iyo qori baagiis lagu dilay.

Goob jooge ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa shaaciyey in dadkaasi hadda qaarkood maykoodu yaalo isbitaalka Magaalada kismaayo,waxaana uu sheegay inay jirkooda ka muuqdaan jirdil nafta looga jaray,waxaana la sheegaya in dadkaasi yihiin dad ka soo jeeda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubadda Hoose.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey goobjoogahani inay jiraan dad maydadkooda saaka laga helay Xeebta kismaayo isla markaasna qaarkood la gawracay,waxaana dilalkaas oo dhan loo xambaariyey Jabhadda Raaskambooni oo la sheegay inay magaalada ka wadaan dhac iyo boob baahsan oo ay kula kacayaan dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxaa jira in ka badan 70 ruux oo la afduubay,waxaana la sheegayaa in qaarkood la dilay isla markaasna meydadkooda laga helay xeebta Magaalada Kismaayo,waxaana dilkaasi la sheegay inay fulinayaan kooxda Raaskambooni oo la sheegay inay dadkaasi qaarkood la hayn,waxaana maydad badan laga soo helayaa xeebta Magaalada Kismaayo iyadoo isbitaalka meydadkaasi saacad kasta la keenayo.

Si kastey ahaataba shacabka Magaalada Kismaayo ayaa bilaabay inay magaalada Kismaayo ka barakacaan isla markaasna u cararaan degaanada ku hareereysan Magaalada Kismaayo iyagoo shaaciyey in Magaalada ay la wareegeen koox u tafo xadeyatey Xasuuqa dadka degaan ahaan ka soo jeeda Degaanada Jubooyinka.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/maxammuud-maxamed-cabdi-raxmaan-goob-jooge-kismaayo.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com