Dhageyso: Xasan Dahir Oo Lagu Wado In Loo Wareejiyo Xabsi Kale,Maxkamad Mileterina Wajahi Doona

0

Sheik Hassan Dahir AweysMuqdisho(AGGM) Masuul ka tirsanaan jiray Ururkii uu hogaanka u ahaan jirey Shiikh Xasan Daahir Aways ee Xisbul islaam ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan warar sheegaya in Shiikh Xasan Daahri Aways dawlada federaalka ah ee Soomaaliya go,aan ku gaartey inay u wareejiso xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho.

Shiikh Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii Ururkii Xisbul Islaam oo saxafada la hadlay ayaa daaha ka qaaday in dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay shiikh Xasan Daahir Aweys u wareejin doonto Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu arrintasi ku tilmaamay mid fool xumo ah oo bini aadamnimada ka baxsan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka war haleen in la doonayo in Shiikh Xasan Daahir Aways dawladu go,aan ku gaartey in Maxkamad mileteri la soo taago isla markaasna dambi lagu qaado,waxana uu talaabadaasi ku tilmaamay mid fool xumo ah oo aan la aqbali karin,waxaana uu sheegay in hadii talaabadaasi hirgasho ay dhibaato horseedi karto.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in Maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir ay yeelan doonaan xisbiga Xisbul Islam isla markaasna diiradda lagu saari doono arrinta shiikh Xasan Daahir,waxaana uu sheegay in shirkaas ay ka soo saari doonaan war murtiyeed ku aadan arrinta shiikh xasan daahir.

Ugu dambeyntii Shiikh Xasan Daahir ayaa naftiisa kala soo cararay Kooxda Alshabaab oo uu ka cabsaday inay dilaan isla  markaasna ay hore u dileen saaxibadiis oo isag ala feker ahaa,waxaana uu magan u galay Maamulka Ximan iyo Xeeb oo dawlada federaalka ah ee soomaaliya u soo gacan galisay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-SHIRKAJARAAID-SHEKH-MAXAMED-MACALIN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com