War Deg Deg Ah: Nin Rayid Ah Oo Hadda Lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in hadda lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo nin rayid ah oo ku sugnaa gurigiisa kana soo jeeda beesha Sade.

Marxuumka hadda la dilay ayaa ilaa hadda waxaa noo suurogalin inaan helno magaciisa oo sadexan, balse waxaa inoo suurogashay inaan helno heybta uu ka soo jeedo inay tahay  Beesha Sade.

Waxaan sidoo kale warbaahinta Allgalgaduud Media u suuragshay in ay hesho magacyda dadki ay ku laayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Kismaayo.

1- Marxuum Dr. Maxamuud Cabdulaahi Giigiir, waxa uu ahaa dhaqtar caan ah oo mudo ku noolaa magaalada Kismaayo waxa uuna ka soo jeedaa beesha Sade, waxaana lagu dilay gurigiisa markii la dilayayna waxaa goobjoog ahaa xaaskiisa iyo caruurtiisa.

2- Marxuum Cabdidhuux Nuurgure Xirsi Bile, waxa uu ahaa arday dhigta iskuul ka mid ah iskuulada magaalada Kismaayo da’adiisuna waxa ay ahayd 18 jir waxaana la dilay isagoo ka yimid xeebta magaalada Kismaayo.

3- Marxuum Suldaan Gama’adiid Nuur Siyaad Colaad waxa uu ahaa nabadoon caan ah oo ka soo jeeda beesha Sade islamarkaana lagu yaqaanay nin maslaxadeed ayaa waxaa maanta asagoo maraya dariiqa ka soo horjeedka Xarunta Xawaalada Dahabshiil si bareer ah ugu dilay maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

4- Marxuum Inna Raage Cumar waxa uu ahaa wiilyar oo aabihi iyo walaalkii la socday waxaana isku goob kuwada dhaawacay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni isaga, Abihii Raage Cumar iyo walaalkii, waxa uuna u dhintay wiilkaa yar dhaawici soo gaaray halka aabihi iyo walaalkiina ay weli dhaawac yihiin balse aan la ogaan karin sida ay ku dambeeyn doonto xaaladooda.

Dhinaca kale waxaa sii kordhaysa tirada dadka lagala baxay guryahooda oo hadda ku xiran xabsiyada ay gaarka u leeyihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo saaka markii noogu dambeeysay tiradooda mareeysay 30 ruux, halka ay hadda tirada dadkaasi mareeyso 70 ruux oo isugu jira rag iyo dumarba.

Isku soo wada duuboo waxaas oo dil, dhaawac, xarig iyo jirdil waxaa loo geesanayo waa dadka Soomaaliyeed ee daga magaalada Kismaayo haba ugu badnaadeene Dadka ku abtirsada beesha Sade, maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa si toos ah u beegsanaya cid walba oo ay u gartaan inay ka soo jeedaan amaba ku abtirsadaan beesha Sade.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com