Maamulka Dowladda Ee Degmada Ballanballe Oo Dayactiraya Waddooyinka.

0

top-newsBalanballe (AGGM): Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud ayaa billaabay dayactirka waddooyinka mara gudaha degmada.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ballanbal Maxamuud Maxamed Cabdi (Is-tuuraaye) oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulku ay billaabeen inay billaabeen dib u habayn ay ku sameynayeen waddooyinka oo uu sheegay in ay jareen carro iyo bacaad fara badan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Is-tuuraaye ayaa waxa uu intaas ku daray in howshan ay iska kaashanayaan maamulka dowladda ee degmada, qurba joogta deegaanka, ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Howshan dayactirka ee waddooyinka mara gudaha degmada Ballanbal ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Isniinta nagu soo aaddan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com