Horjooge Dulyadeen Oo Ka Hadlay Shirkii Culumada Ee Muqdisho Lagu Soo Gabgabeeyay Iyo Xaaladaha Jubbooyinka.

0

axmedkaMuqdisho (AGGM): Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa ka hadashay shir ay qaar kamid ah culummada Soomaaliyeed Muqdisho ku yeesheen, isla markaasna gabgabadii shirkaasi laga soo saaray fadwo ka dhan ah ururka Al-shabaab, Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab aadkana ay isugu dhow yihiin beelna ka soo wada jeeda horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in culumada shirka yeelatay  ay yihiin kuwo lasoo adeegsaday oo la doonayo in lagula dagaalamo falaagada Al-shabaab.

“Culummada ku shiray Muqdisho waa kuwo ay gaalo soo adeegsatay, waana kuwo la doonayo in loo adeegsado dagaalka Al-shabaab lagula jiro,” ayuu ku yiri Dul-yadeyn oo intaas ku daray inay qorshe walba oo lasoo maleego ay ka hortagayaan, mas’uulkan oo si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay ay qaarkood ahaayeen kuwo aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Dhanka kale, sheeydaan Dul-yadeyn ayaa ka hadlay xaaladda ay gobolada Jubbooyinka ku sugan yihiin, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay awood ahaan hoos u dhaceen ayna ku eg-yihiin oo keliya saldhigyada ay ku sugan yihiin, “Ciidamada Kenya waxay daggan yihiin degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Badhaadhe, sidoo kalena waxay deggen yihiin tuulooyin ay ka mid yihiin: Taabto, Qooqaani iyo Kulbiyoow,” ayuu hadalkiisa ku daray xilli uu ka hadlayay masaajid ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose maalintii  Jimcaha  ahayd ee la soo dhaafay.

Horjoogaha wuxuu sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab inay diyaar u yihiin inay ku weeraraan meel walba cadowgooda joogaan sida uu hadalka u yiri, hadalkan Maxamed Dul-yadeyn ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al Shabaab ay qaraxyo ka geysteen toddobaadkii hore magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaaa so ay ku dhinteen in ka badan 35-qof oo shacab iyo ciidammo isugu jira.

axmedka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com