Horjoogaha Ururka Argagixisada Ah Ee Al-qaacida Oo Sheegay Inay Guul Ka Gaareen Dagaalada Ay Ka Wadaan Soomaaliya.

0

ayman_al_zawahiri_2Muqdisho (AGGM): Hogaanka urur Argagixisada ah ee Al-qaacida ayaa sheegay iney ku guuleysteen dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya,war uu soo diray hogaamiyaha ururka Al-qaacidda Ayman Al-Zawahiri  oo lagu daabacay bar lagu magacaabo Sayti oo faafisay wararka Al-qaacida ayaa sheegay iney guul weyn ka gaareen dagaalada ay Soomaaliya ka wado Al-shabaab oo ku biirtay Al-qaacida.

Hogaamiyaha Al-qaacida ayaa hoosta ka xariiqay in falaagada Al-shabaabka Soomaaliya ee qaybta ka ah Al-qaacida ay horumaro ka gaareen dagaalada ay kala horjeedaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Shisheeye ee taageeraya dowladda oo uu sheegay  inay kusoo duuleen dadka Soomaaliyeed,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney dhabarka ka jabiyeen waxa uu ku tilmaamay Saliibiyiinta kusoo duulay dalka Muslimiinta Soomaaliya iyo dabadhilifyadooda sida uu hadalka u dhigay.

Ayman Al-Zawahiri ayaa shaaca ka qaaday iney sii wadayaan taageerada ay siinayaan walaalaha Jihaadka ka wada Soomaaliya sida uu sheegay,wuxuuna ugu baaqay Muslimiinta Dunida iney Al-qaacida kula soo biiraan dagaalka ay kula jiraan Cadowga Islaamka sida uu hadalka u yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com