Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Brussels Ku Wajahan.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Wafdi uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin Magaalada Brussels si ay uga qeeyb galaan shirka New Deal ee beritoole subaxi ka furmaya halkaasi.

Kaliil iyo Wafdigiisa  ayaa dhawaanahan waxa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho si ay ugala hadlaan Dowladda Soomaaliya  arrimo badan oo quseeya gobolada Juubbooyinka.

Gudoomiye Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa safarkiisan ku weheliya xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo Shirka beri ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa ka wada qeeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha maamulada dowladda Soomaaliya ee gobolada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com