Dhageyso: Afhayeenka Col. Bare Hiiraale,Dr. Xasan Qaasim Warsame” Ninka Idaacadaha Ka Hadlay Umma Aha Afhayeen Maamulkeena, Magaalada Kismaayana Xasuuq Ayaa Ka Socda”.

0

top-newsGoobweeyn (AGGM): Ciidamada Jubbaland ee dhanka ee ku sugan magaalada Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay isbadal iyo diyaargaroow ay ugu jiraan sidii ay markale Kismaayo ku tagi lahayeen sida uu waraysigan Allgalgaduud Media  ku siiyay Dr Xasan Qaasim Warsame oo ah Afhayeenka Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Goobweyn.

Waxa uu afhayeenka sheegay in ay wadaan diyaargarow ku aadan sidii ay u xoojin lahayeen awoodooda ciidan iyada oo ay soo gaareen Ciidamado xoogan oo ka yimid gobolka Gedo kuwaas oo sida uu sheegay horudhac u ah ciidamo kale oo ka soo socda qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Afhayeenka ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Nin ku sugan magaalada Kismaayo oo isaga oo iska dhigaya in uu ciidankooda ka tirsanyahay sheegay in ay heshiis gaareen iyaga iyo Axmed Madoobe Kismaayana ay Nabad ku soo galayaan, “Waa naqaana ninkaas waxa uuna joogaa Kismaayo waxa uu ka tirsanyahay Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaana la dhahaa Hebel Waraabe waligiisna ciidankeena kama mid noqon hadii warbaahinta been loo gudbin karo inaga ayaan yeelayn in been nalaga sheego waana beenaale sumcada iska lumiyay oo aan cidna wax ka qaadayn” ayuu yiri Dr. Xasan Qaasim Warsame oo dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada lagu hayo shacabka Kismaayo ku sugan.

Waxa ay ka yeelayaan Heshiiskii la gaaray ayuu sheegay in wixii heshiis ah ee cadaalad ku salaysan ay soo dhaweynayaan lakin aysan ogolaan doonin in la buun buuniyo hal dhinac oo danbiyo ka galay shacabka  dhanka kale waxa uu sheegay inaysan marna aqbali doonin in ay Axmed Madoobe la heshiiyaan iyada oo aan dadka Soomaaliyeed la isugu keenin gogol loo dhanyahay aysana jirin cid cid qasbi karta ama ku riixi karta waxaa.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/dr.-qaasim.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Guji Kuna Dhageeyso Moobilkaaga…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com