Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ka Dhacay Deegaanka Dambal Ee Gobolka Baay.

0

Dagaal-GedoBaydhabo (AGGM): Saddex qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo maleshiyada al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Dambal oo ka tirsan degmada Aw-diinle ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Aw-diinle, Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalku yimid kadib markii falaagada Al Shabaab ay weerar ku soo qaadday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Dambal.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dagaalka aysan waxyeello ka soo gaarin shacabka deegaanka, khasaaruhuna ka kooban yahay dhinacyada dagaallamay, ayna ciidamada dowladdu wali ku sugan yihiin goobta dagaalku ka dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu adkaynayo nabadgalyada galinkii dambe ee shalay ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Aw-diinle.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com