Daawo: Waxgaradka Iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed Ee Magaalada Columbus Ohio Oo Yeeshay Kulan Looga Hadlayay Sidii Loo Soo Dhaweyn Lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

0

hashi dheereColumbus, Ohio (AGGM): Waxgarad iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay maanta qabteen kulan looga hadlayo sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ku soo wajahan magaalada Columbus Ohio oo ah magaalada labaad ee ugu Soomaalida Badan Maraykanka.

Waxa ay waxgaradkan ka codsadeen jaaliyada in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha meeshana laga saaro wararka sheegaya in uu jiro banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha oo ay wadaan dad ka biyo diidan hanaanka dowladu u shaqeeyso.

Dadka banaanbaxan wada ayay ku tilmaameen kuwo meel kale laga soo abaabulay isla markaana dano gooniya ka leh banaanbaxaasi balse aysan ahayn shacabka Soomaaliyeed ee Reer Columbus.

Waxa ay ka digeen in banaanbaxyadani ay noqdaan kuwo rabshado dhaliya isla markaana sababa isku dhac dadweyne, iyaga oo taa badalkeeda ku baaqay in cidii wax tabanaysaa ay balan qabsato si toos ahna ula kumaan madaxweynaha iyaga u gudbisanaya waxa ay ka cabanayaan.

“Soomaalidu waa dad is jecel markii dhib ku qabsado dalalka shisheeye lakin is neceb marka ay timaado xaalad la xariirta arimaha qabiilka waana waxa dalkeenu la dagi la’yahay” Waxaa sidaa yiri Ugaas Mahad Wadeeca Alle oo ka mid ahaa dadkii ka hadal kulankaan.

Hadalka wax garadka ayaa imaanaya xili la dareemayo in abaabul xoogan uu ka socdo gobolo kale oo dad ku banaanbaxa laga soo qaadayo madaxweynaha, halka Columbus laga dareemayo abaabulka soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.

Mohamed Nuur Ali
Columbus Ohio

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com