Dhageyso: Afhayeenka Ahlusunna Sheekh Cabdiqaadir Soomow Oo Xabsi La Dhigay.

0

soomoowMuqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xirtay afhayeenka ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobolka Banaadir Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow.

Sheekh Cabdiqaadir ayaa lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da kaddib markii halkaas looga yeeray saaka, markii uu tagayna loo sheegay in uu xiran yahay.

Saxaafadda qaarkeed ayuu u sheegay in saraakiisha dambi baarista ay u sheegeen in lagu xiray amar ka soo baxay madaxweynaha Somalia oo aan cadeyn waxa uu yahay.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta Sheekhan loo xiray, cid dowladda ka tirsan oo ka hadashayna ma jirto.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow ayaa kamid ahaa culimo dhawaan magaalada Muqdisho ku shirtay oo soo saartay fatwo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_037.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Guji Kuna Dhageyso Moobilkaaga…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com