Wararki Ugu Dambeeyay: Xalay Iyo Habeen Hore Maxaa Ka Dhacay Magaalada Kismaayo?

0

top-newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay xasuuq iyo boob u geesanayaan dadka aan ku abtirsan maleeshiyadooda.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa ka dib qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo tirada ragga kasoo jeeda beesha Sade ee sida bareerka ah loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo ay gaareeyaan 5 nin  oo uu ugu dambeeyay Allaha u Naxariistee Suldaan Gama’adiid oo saaka si bareer ah loogu dilay bartamaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira rag gaaraya ilaa 30 nin oo labadii habeen ee la soo dhaafay laga ka xeeystay guryahooda iyaga oo aan la ogeen ilaa iminka halka la geeyay.

Dhinaca kale labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa maleeshiyo beeleedka Raskambooni waxa ay si bareer ah u dhaceen gaadiid gaaraya ilaa 10 oo ay ku jiraan 5 cusub dhamaantoodna ay lahaayeen beel ka mid ah beelaha daga magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa bahdil, aflagaado iyo weerar joogta ah lagu hayaa kuwii u adeegayay danaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sida Isbatoore Fartaag, Maxamed Ugaas Xaashi, Yaasiin Indhraadeer, Sheekh Maxamed Awlibaax oo aan ilaa hadda la garan karin waxa ku jaribay inay foolxumadaas qaataan amaba darajada ugu hooseeysa oo qof nooli gaaro ay gaaraan oo xataa qaarkood leeysugu daray jir dil iyo dhac loo geeysto guryihi ay caruurtooda ka daganaayeen magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka aad u kacsan waxaana suurogal ah in gudaha iyo nawaaxiga magaalada Kismaayo ay ka biloowdaan xasuuq la mid ah midka ka socda gudaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com