Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo U Amba-baxay Shirka Magaalada Brussels.

0

xasan-444Muqdisho (AGGM): Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa u amba-baxay magaalada Brussels ee xaraunta dalka Belgium, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo shirka Brussels ee looga hadlayo dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya iyo sidii waddamada caalamka ay u taageeri lahaayeen qorshayaasha ay soo gudbisay dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo magaalada Brussels.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Shiikh Cabduqaadir, wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleeymaan iyo wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com