Hambalyo Hambalyo Maxamed Ugaas Xaashi, Awlibaax, Indhoraadeer, Fartaag, Cali Madoobe Iyo Taageerayaashooda.

0

doofaarka sanadkaWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Raggan sawiradoodu idiin muuqdaan oo ah halyeeyo amaba geesiyaal uu damiirkooda, caqligooda, dhagahooda iyo indhahooduba u saamaxeen inay habeen walba dhageystaan amaba daawadaan Ohinta gabar Mareexaan ah oo ay kufsanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, Waxaa sidoo kale Raggan sawiradoodu idiin muuqdaan damiirkooda, caqligooda, dhagahooda iyo Indhahooduba u saamaxeen inay habeen iyo maalinba daawadaan, dhageeystaan Raggii Mareexaan oo ay dilayaan amaba jir diliyaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, caalamka miyaad ku aragteen Raggan cid la mid ah oo Geesinimadooda, Halyeeynimadooda ,damiirkooda iyo caqligooda heerkaas gaaray?

Waxaan sidoo kale Hambalyo u dirayaa dhamaan kooxda yaree Qurbajoogta ah iyo Warbaahinta Taageerta in habeen walba ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Kufsadaan gabar Mareexaan ah iyo in ay laayaan Ragga Mareexaan, caalamka miyaad ku aragteen kooxdan yaree Qurabajoogta ah iyo Warbahinta taageerta waxa ka dhacaya magaalada Kismaayo, caalmaka miyaad ku aragteen cid la mid ah oo damiirkooda iyo caqligooda heerkaas gaaray?

Ha deg degin waan dareemi karaa in aad isweeydiinaysaan ninka qoraalkan qoray maxuu raggan ugu tilmaamayaa Geesiyaal amaba Halyeeyo, raggu waa niman ficiltamaya haddii aad aragto nin ficiltamayana waa geesi haddaba aan idinka jaahil bixiyee geesiga amaba halyeeygu wa aimisa nooc?

1- Geesi amaba Halyeey kala garanaya waxa uu isagu xaqa u leeyahay iyo waxa uu xaqa lahayn, sokeeyahana aan la ficiltamin oo shisheeyahase la xisaabtama.

2- Geesi amaba Halyeey aan kala garan karin waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay, sokeeyahana la ficiltama, xaalku markuu gaarana shisheeye noqda gabar yaroo la xod xodanayo, dadka uu markaa horboodayana ay u garanayaan amaba ugu yeeraan waa Geesi ama Halyeey libaax ah, taas ayaana keentay inaan nimanka ugu yeero geesiyaal iyo halyeeyo…

Hadaba raggan aan idiin yara bidhaamiyo waxaan ku sifeen karo oo kaliya waa inay yihiin geesiyaal amaba halyeeyo aan kala garaneeyn waxa ay xaqa u leeyihiin iyo waxa xaqa loogu leeyahay, anigoo taa ulla jeeda goobjoog maba aysan ahayn marki Allaah Subxaanuhu Watacaalaa adoomihiisa caqliga uu siinayay amaba u qeeybinayay..

Nin walbaa oo aduunkan jooga hooyo ayaa dhashay balse hooyooyinku kala nasiib badanee, kuwanba hooyaa dhashay Axmed Madoobena hooyaa dhashay, Waxaa kaloo ah in dadku isweeydiiyaan su’aasha ah, maxaa damiirka iyo garashada raggan iyo kooxda yaree taageerta heerkaas gaarsiiyay amaba ka qaaday? jawaabteeda iyo xukunkoodaba waxaan u deeynayaa beelweynta Sade.

Dhinaca kale waxaa ah wax iyana aad loola yaabo miyeey jiraan cid moog waxa ka socda magaalada Kismaayo, maxayse tahay sababta dadkan ku kalifeysa inay “Qabaan” u noqdaan nin asaagood ah islamarkaana ah ninka kufsanaya gabdhooda, dilaya wiilkooda iyagoo weliba Qurabajooga ah oo aan ku sugneeyn magaalada Kismaayo? taasi waxa ay ku tuseysaa maangaabnimada iyo damiir xumada shaqsiyaadkaas Qurbajoogta ah ee aan cilmiga diiniga ah iyo midka maadi ahba lahayn ee aan garan karin waxa ay xaqa u leeyihiin iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

Gabagabadi Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba u hambalyeenayaa guusha ay gaareen Raggaan aan kor ku soo xusay magacyadooda iyo kooxda yaree Qurbajoogta ah iyo Warbaahinta ku taageeraysay inay soo hoyiyaan guusha maanta ay u soo hoyiyeen Beesha Sade.

doofaarka sanadka

Maxamed Saciid Faarax
mosaid097@gmail.com
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com