Gen. C/llaahi Siciid Samatar “Faroole Waa Musharax Kamana Yeeli Doono Inuu Shuruud Ku Xiro Arrimaha Doorashooyinka”.

0

maxamed saciid samatarQardho (AGGM): Gen.C/llaahi Siciid Samatar oo ah musharax u taagan xilka madaxnimo ee Puntland ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Somali Channel waxa uu kaga waramay arrimo fara badan oo khuseeya doorashada Puntland ka dhici doonta iyo arrimo kale, musharax Samatar waxa uu sheegay in madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo ee madaxweyne C/raxmaan shiikh Max’ed Max’uud ‘Faroole ay u aqoonsan yihiin musharax ka mid ah siyaasiyiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland.

“C/raxmaan faroole waxaan u aqoonsanahay musharax ila mid ah, leh xuquuqda uu leeyahay musharax kasta oo u taagan doorashada Puntland,sidoo kalena xaq u helaya inuu isu soo taago hogaanka Puntland , laakiin kama yeeli doono waxkasta inuu ku dhaqaaqo oo uu shuruud ku xiro arrimaha doorashooyinka, cid ka yeelaysaana ma jirto” ayuu yiri Musharax Samatar, nusharax Samatar mar uu soo hadal qaaday ololihii xukuumada joogta ay ku doonaysay in lagu sameeyo axsaab siyaasadeed, wuxuuna sheegay inuu ahaa qorshe wanaagsan balse aan loo samayn nidaam iyo istaraatiijiyad lagu hir galin karo dimuqraadiyada Puntland sida uu yiri.

Wuxuu kale oo uu caddeeyey in mucaarad ahaan ay raallai ka ahaan lahaayeen haddii maamulka jooga uu sifada sharciga u mari lahaa samaynta axsaabta Puntland cid ka hor iamn lahaydna aysan jirin, “Nidaamkii axsaabta badan ee maamulku waday, waxa uu ahaa nidaam loo baahnaa in lagu tallaabsado,laakiin waxaa muuqata in aan lamarin wadada sahlaysa in axsaab la sameeyo, dadkii lama tira koobin,maxkamad dastuuri ah lama samayn,axsaabta laftooduna waxay ahaayeen mala awaal” ayuu yiri Musharax Samatar.

Samatar waxaa uu tilmaamay in mucaarad ahaan ay awood u lahaayeen inay tallaabo cad ka qaadaan hoshii ay xukuumadu waday, balse ay u turayeen shacabka puntland iyo nabadda ay haystaan, “Anagu waxaanu awood u lahayn in aan si rasmi ah uga hor nimaadno howsha la waday, isku dhac ayaa iman lahaa, colaad ayaa dhalan lahayd, wax socon lahaana ma jirin, hase yeeshee dadkayaga iyo dalkayaga ayaan u turnay mana doonayno in Puntland colaad ka dhacdo” ayuu yiri Samatar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhankooda ay u yimaadeen isiimada iyo culimada Puntland, isla markaana ay kala hadleen in wada hadal lagu dhameeyo xaaladda taagan, wuxuuna tilmaamay in mucaarad ahaan ay diyaar u noqdeen arrintaas balse xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne faroole ay iska indha tiraysay wada hadalkaasi, “Waxaa inoo yimi issimo,culimo,siyaasiyiin hore iyo qaar kale oo ka mid ah bulshada Puntland , waxay naga codsadeen in aan wada hadal ogolaano waan ka aqbalnay, laakiin faroole iyo guruubkiisa ayaa diiday oo ka hor yimid “ ayuu yiri  musharax Gen.Samatar.

Gen.C/llaahi Siciid Samatar ayaa sidoo kale si kulul u eedeeyey guddigii KMG ahaa ee doorashooyinka Puntland, wuxuuna tibaaxay in guddigaasi uu hormuud u ahaa dhibkii dhacay ee dadku ku dhinteen,isla markaana uu xukuumada joogta ku ridi lahaa god dheer oo haddii ay ku dhacdo aysan ka soo laaban karteen.“Waxaan aaminsanahay guddigii KMG ahaa ee doorashada, qayb ayuu ka ahaa dhibka ka dhacay qardho,gaalkacyo,badhan iyo meelo kale, gudigaasi ma ahayn guddi hagi karay arrimaha taagnaa, hase ahaatee waxa uu doonayay inuu god ku rido xukuumada faroole, walow ay markii danbe ka laabatay oo aysan godkaasi ku dhicin” ayuu yiri musharax Samatar.

Musharax samatar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay iman doonaan shirka issimada Puntland ku yeelan doonaan magaalada qardho , shirkaasna ay ka sugayaan in laga soo saari doono xal rasmi ah oo kala hagaya xukuumada joogta iyo musharixiinta tartami doona, “Shirka Qardho waan sugaynaa waana ka qayb gali doonaa, issimadana waxaa laga sugayaa inay soo saaraan go’aamo wanaagsan oo kala hagaya musharixiinta iyo xukuumada joogta , haddii kale waa la isku dhacayaa iyaga ayaana masuuliyada qaadaya” ayuu waraysigiisa ku shegay Gen.samatar

C/llaahi Siciid Samatar waxa uu intaas raaciyay in sidoo kale ay iman doonaan magaalada garoowe ee caasimada Puntland, isla markaana ay tahay magaaladoodii xaqna ay u leeyihiin inay yimaadaan,cid ka hor istaagi karta imaanshaha garoowena ay san jirin, “Garowe waan tagaynaa,waa magaaladayadii, waana caasimaddii la wada dhisay,cid laga leeyahayna ma jirto, mana jirto cid isku dayi doonta inay is hortaag kus amayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com