Ciidamo Ka Soo Kicitimay Gobolka Gedo Oo Soo Gaaray Deegaanka Goobweeyn Ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

top-newsGoobweeyn (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi soo gaareen ciidamo aad u hubeeysan oo ka soo kicitimay dhanka Gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada ay ka tirsanaayeen kuwa dowladda Soomaaliya ee fariisimaha ku lahaa qeeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Ujeedka Imaatinka ciidamada soo gaaray deegaanka Goobweeyn oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya ee laga soo saaray magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu sheegay in ay u yimaadeen sidii ay ugu biiri lahaayeen ciidamadaasi horey fariisimaha ugu lahaa halkaasi.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in sidoo kale ay ciidamada ku sugan gobolka Gedo ka go’an tahay sidii ay ugu soo talaabi lahaayeen dhanka deegaanada Jubbooyinka oo ay ka arrimiyaan maleeshiyaadka Al Shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay ee ay ciidamo kasoo baqoolay gobolka gedo soo gaaraan deegaanka Goobweeyn ee duleedka magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com