Xog Dhab Ah: Yaa Ka Dambeeyay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo?

0

top-newsKismaayo (AGGM): Sida ilo xog ogaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ay u xaqiijiyeen warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in qaraxii shalay lala beegsaday horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ay ka dambeeyeen sirdoonka Kenya oo adeegsanaya maleeshiyaad ka mid ahaan jiray Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhawaanahan uu tartan siyaasadeed iyo mid awoodeed uu ka dhexjiray Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sida Prof. Gaandi oo garabsanaya Cumar C/rashiid iyo wiil uu dhalay wasiirki hore ee gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji kana tirsan sirdoonka Kenya oo lagu magacaabo Nuradin Yusuf ay sameeysteen ciidamo gaar u ah, maleeshiyaadkan  gaarka ah ayaa ka madax banaan kuwa ka amar qaata Axmed Madoobe.

Maleeshiyadan ayaa waxa ay fariisimo ku leeyiihiin Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda magaalada Kismaayo waxa ayna ka amar qaataan oo qura Nuradiin Yuusuf iyo Prof Gaandi, waana maleeshiyaada ugu tacdiyada badan magaalada Kismaayo oo leh xabsiyo iyaga u gaar ah oo ay dadka rayidka ah ku xirtaan, waxay sidoo kale fasax buuxa u qabaan inay dhici karaan amaba dili karaan cideey doonaan.

Ka dib heshiiski Addis Ababa uu ku saxiixay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxaa aad uga carooday ayna kala fogaadeen Kenya iyo garabki la safnaa ee doonayay in uu fashilmo shirka Addis Ababa Prof. Gaandi, Cumar Cabdirashiid si marnaba aysan dowladda ugu lug yeelan maamul u sameeynta gobolada Jubbooyinka.

Xog ogaalkan ayaa waxa kale oo uu warbaahinta Allgalgaduud Media u sheegay xaalda magaalada Kismaayo inaysan weli fari ka qodneen mar walbana la filan karo inay ka aloosmaan colaado aan dhamaad laheen,  isagoo sabab uga dhigaya awoodaha ku hardamaya gacan ku heeynta magaaladaasi iyo marki dib loo eego hadaladi shalay ka soo yeerayay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ee uu ku sheegay in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu qabanayo magaalada Kismaayo, halka maalin ka hor isagoo goob joog ah kuna sugan magaalada Muqdisho ay dowladda Soomaaliya shaacisay in shirka dib u heshiisiinta uu ka furmayo 5 Oktoobar 2013 magaalada Muqdisho taa oo dhalin karta khilaaf hor leh oo ka dhex aloosma dowladda Soomaaliya iyo Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale jira in dhawaanahanba qaraxyo iyo dilal qorsheesan lagu leeynayay dadka birmageeydada ah sida Salaadiinta, Waxgaradka iyo Nabadoonada gobolada Jubbooyinka iyaga oo aan lakala sooceen.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sadex meelood laba meel iyo bar ayaa waxa ay ahaayeen maleeshiyaad ay soo tababareen kana tirsanaa Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab inta aysan la bixin magaca Raaskambooni

Dhinaca kale faalagada Al Shabaab ayaa sida caadadooduba ahayd marki qaraxu ka dhacay magaalada Kismaayo durbaba sheegtay inay iyagu soo maleegeen qaraxaas taa oo la oran karo waa caadadi falaagada Al Shabaab oo haddii ay waxari ku dhimato Jamaica waxeey oranayaan anagaa ka dambeeynay geerida Waxartaas.

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqa hoostana ay ka wada xariiqeen quburada indha indheeya arrimaha murugsan in xaalada magaalada Kismaayo ay tahay mid aan dhoweeneen lagana yaabo in uu ku daato dhiig fara badan haddii aan la helin dad u saaxiib ah Caqli iyo Qadiyad Wadaninimo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com