Wasiirka Arrimaha Gudaha ”Waxaan Fashilinay 330 Weerar Oo Ay Soo Maleegeen Al Shabaab”.

0

wasir-cabdi-kariin1Muqdisho (AGGM): C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addaha nabad-galyada dowladda ay bishii la soo dhaafay ay fashiliyeen weeraro ay maleegayeen Al-Shabaab, kadib markii la helay Xogo muhiim ahaa oo ay keeneen Laamaha Sirdoonka dowladda.

Wasiirrka ayaa sheegay in bishii Agosto ee tagtay ay heleen 330-xog, kuwaasoo uu sheegay 65% ay ahaayeen xogo dhab ahaa oo ahaa weeraro isugu jiray qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro kale sida uu yiri.

“Bilihii ugu danbeeyay hay’addaha nabad-sugida waxaa ay xoogga saaartay in ay la socto xogta ku saabsan weerarada argagixisada, waxaan sameynay ciidamo dhar cad ah oo ku dhex jira bulshada qeybaheeda kala duwan oo xog dhab ah ka keena cadawga iyo qof kasta oo amaanka wax u dhimaya”ayuu yiri C/kariin Xusseen Guuleed.

Waxaa uu intaa ku darray wasiirrka arrimaha gudaha in ay bilaabeen istiraatiijiyad ka duwan kuwoo hore, isagoo sheegay in xogaha la helayay ay muujinayeen inay jirto qatar, isla markaana maalin kasta ay xafiiska Nabad-sugida ku soo dhaceysay ilaa 11-xog sida uu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay inay sii xoojinayaan howlaha Sirdoonka ay Hey’adda Nabadsugida wado, isagoo amaan u jeediyay howlihii la qabtay bishii la soo dhaafay oo uu xusay in wax badan ay u suura gashay in laga hortago qorshayaashii la maleegayay.

Dadka sida weyn ula socda siyaasadas nabad-galyada dowladda ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay wax qaban weyday ammaanka, mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay, iyadoo ammaanka uu haatan yahay mid aad ka liito sanado ka hor sida uu ahaa, waxaana dhacay weeraro abaabulnaa oo xarumo kala duwan lagu qaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com