Mid Ka Mid Ah Waxgaradkii Ansixiyay Dastuurka Oo Lagu Dillay Degmada Huriwaa.

0

dil-kismaayoMuqdisho (AGGM): Kooxo hubeysan oo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dillay nabadoon Cumar Cabdi Shiiqle oo ka mid ahaa Waxgaradkii meel-mariyay dastuurka dalka sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Max’ed Ayaanle  ku sugan Xaafadda SOS ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo isaga baxsaday meesha dilka uu ka dhacay.

Dilkaan loo geystay nabadoon Cumar Cabdi Shiiqle ayaa qeyb ka ah dilalka loo geysto waxgaradkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa meelo kala duwan oo ka tirsan dalka ka dhacayay weeraro lagu qaadayay odayaashii meel mariyay dastuurka, kadib markii ay sidaa horay ugu hanjabeen xoogagga Al-shabaab oo sheegay in meel walba ku ugaarsan doonaan odayaashii ka qeyb-gallay shirkii lagu ansixiyay dastuurka federaalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com