Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Catherine Ashaton “Cidna Ma Dafiri Karto In Soomaaliya Meel Fog Ka Timid.

0

hassan sheik and catharine ashtonMuqdisho (AGGM): Ololaha ciidan ee ay horseedka ka yihiin AMISOM, Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay ka saareen Al-shabaab qaybo badan oo ka mid ah dalka. Weerarada burcad-badeedka waxay hoos ugu dhaceen 93% labadi sanoo la soo dhaafay, mana aysan jrin 2013 hal dhacdo ay ku guuleysateen. Weerarada argagixisa ayaa welitood dhulka ka dhacaya iyadoo halista ku aadan nafta, nabadgelyada iyo xasiloonida ay tahay mid dhab ah. Laakin Soomaalidu dibada way ka soo noqonayaan waxayna gacan ka geysanayaa maalgashiga iyo dhisidda dowladda cusub. Midowga Yurub iyo kuwa kaleba waa in ay ku taagyeeraan howshan dib-u-dhiska si ay Haya’daha cusub ee Federalka ay u sameeyaan dowlada federal ah oo shaqayneysa qabtaan doorashooyin sida la qorsheeyey 2016.

Si loo astaameeyo horumarka la gaaray loona taagyeero dadaalka dib-u-dhiska waxaannu ku martigelinaynaa shir Brussels 16/9/2013 si loogu daah-furo “Heshiiska cusub ee Soomaaliya”. Dhacdadan waxay ansixin doontaa heshiis balan-gal ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka si loogu socdo si dhaqsi leh tubta nabadda iyo barwaaqada- taasoo ku sar-go’an hanaanka “Heshiiska Cusub” ee lagu taagyeero dalalka nugul iyo kuwa ku sugan xaaladaha colaadaha ka dib.

Dhacdadu waxay soo bandhigi doontaa aragti siyaasadeed oo cad kuna aadan mustaqbalka Soomaaliya, kala mudnaasiinya horumarka leysku af-gartay iyo in la sameeyo farsamooyin lagu maalgeliyo iyo tabihi lagu hubsan lahaa in deeqaha lagu keeno si wax gal lehna is-xisaabin. Waa habkan midka lagu taagyeeri karo hanaan siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah ee ku soo af-jaraan dastuurkooda kuna qeexaan nooca dowlada federal ee ay doonayaan.

Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer yurub wuxuu gacan ka geystay sal u dhigidda horumarkan. Waqtiyadi dhibka badanaa ee ay Soomaaliya soo martay 20ki sannoo la soo dhaafay Midowga yurub marna ma hakin kaalmo. Marki macluushu ku habsatay dalka gar-gaarka bani’adannimo ee reer yurub waa la jira. Marki argagixisanimadu ku halis gelisay qas, Midowga Yurub iyo shurakadiisa waxay taagyeereen ololaha AMISOM in ay dib uga saarto waxayna keentay Ergada Midowga Yurub ee Tababaridda oo ka taagyeereysa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay soo ceshadaan wax galnimadooda. Marki burca-badeeddu halis gelisay marinada badda ee badweynta Hindiya, Ciidamada Badda Midowga Yurub waxay hakameeyeen burcaddi iyadoo Ergada EUCAP NESTOR loo abuuray in ay xoojiso nabadgelyada badda. Mar walboo ay suurta gal tahay fursad shaqo horumarineed ee waqtiga fog, Sanduuqa horumarinta ee Midowga Yurub waa maalgeliyaa.

Weli, lama joogo meel lagu qanco. Waxaannu u baahannahay in aan sii wadno dadaalka is-bedelka. Halganka looga soo horjeedo Al-shabaab waa in la dhammaystiraa. Hiigsiga siyaasdeed waa in loo rogaa xaqiiga sugan. Dalku wuxuu u baahan yahay hay’ado shaqeeya oo ay dadku aaminsan yihiin. Ku-xukantanka sharciga, nabadgelyada iyo maamul maaliyadeed oo hufan waa in la dhisaa. Wadamada deriska la ah dalka waa in ay helaan dammaanad in Somaaliya ay ahaan doonto xoog gacan ka qayb qaata xasiloonida gobolka ee aysan qayb ka noqon xasilooni darada.

Laakin waa in aan wax qabanaa hadda waana in aan wax ku qabanaa wadajir. Guushu waxay ku jirtaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka- iskaashi dhab ah oo ay Soomaalidu ku qaadeyso xuquuda iyo waajibaadka dowlad madax-banaan, kuna hananayaan lahaanshaha iyo masuuliyadda mustaqbalkooda. “Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya” wuxuu siinayaa fursadan lagu hananaayo barnaamijka lagu siin lahaa Soomaaliya taagyeerada ay baahan tahay laguna siin lahaa Soomaaliyada mustaqbalka ay mudan yihii.

Qorayaashu waa: Katharine Ashton, Wakiiladda Sare Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Nabadgelyada ahna Ku-Xigeenka Mahaxweynaha Guddiga Reer Yurub, iyo Mudane Xasan Shiekh Maxamud, Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com