Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay Inay Ka Dambeeyeen Qaraxi Lagu Qaarajin Lahaa Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Abuu-MuscabMuqdisho (AGGM): C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada ee falaagada Al Shabaab oo ka hadlay qaraxii shalay lala eegtay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ee mas’uuliyadiisa ay ayagu lahaayeen waxa kale oo uu sheegay in khasaaro dhimasho ay dhaawacba isugu jira ay ku gaarsiiyeen qaar kamid ah Horjoogeyaashi la socoday Axmed Madoobe.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii shalay ay la eegteen Axmed Madoobe ay ku dileen 7-sarkaal oo ka tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni 10-kale oo ahaa ehelada Axmed Madoobe qaar kalena ay ku dhaawaceen, sida uu hadalka u dhigay.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa beeniyay sheegashada Al Shabaab ee ku aadan in uu khasaaro ka dhashay qaraxii shalay Kismaayo ka dhacay.

Majiraan ilo ka badax banaan labada maleeshiyo oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashadooda.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_030.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com