Dhageyso: Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo Oo Gacanta Ku Soo Dhigay 15 Dhalinyaro Ah Oo Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab.

0

top-newsGarbahaareey (AGGM): Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Cabdi C/llaahi ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro gaareysa 15 oo uu sheegay in ay ka barbar dagaalamayeen falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaradan la soo qabtay kadib dagaal falaagada Al Shabaab ay kula galeen meel 35-KM u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoona xusay in dhalintan ay kasoo laabteen kamid ahaanshahooda falaagada Al Shabaab, ayaguna ay cafis u fidiyeen, sida uu hadalka u dhagay.

Ilaa hadda ama ay jiraan wax war ah oo kasoo baxay falaagada Al Shabaab oo ku aadan dhalinyaradan la sheegay in ay ayaga ka tirsanaayeen ee gacanta kagu soo dhigay.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_031.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com