Xog: Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Oo Safar Shaqo Ah Ku Tagaya Dalalka Belgium-ka, Talyaaniga Iyo Mareykanka.

0

XASAN SHEEKHXog: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo la socda oo ay ayaa ilaa iyo bilowga bisha Oktoobar Dalka uga maqnaan doona hoowlo shaqo.

Ka dib shirweynaha Brussels Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa booqasho shaqo ku tagi dalka Talyaaniga halkaa oo ay kula kulmi doonaan Madaxda dalkaasi, ka dibna Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxa ay uga sii duuli doonaan Dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisan shaqo ku weheliya xubno ka tirsan golaha Wasiirada waxayna magaalada Brussels u tagayaan shirka New Deal, ka dibna waxay dalka Talyaaniga u tagayaan safar hal maalin oo shaqo ah, iyagoo uga sii gubaya dalka Mareykanka halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa gaari magaalada New York Madaxweyne Xasan Sheekh si ay uga qayb galaan shirka Qaramada Midoobey, ka dib Waxay Madaxweynaha iyo wafdigiisa balaaran ayaa ka dib shirka New York waxa ay booqasho ugu tagayaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee Washington iyo Columbus halkaas oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed ugu diyaar garoobeen sidii ay u soo dhaween lahaayeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu noqonayaa safarkiisi shaqo ee ugu dheera tan iyo marki uu xilka qabtay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisan balaaran ayaa inta ay joogaan magaalooyinka Washington iyo Columbus Ohio waxa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaaan dhamaan qeeybaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalooyinkaas, waxa ayna ka dhageeysan doonaan waxii talo iyo tusaaleeyn ah oo dalka Soomaaliya gaarsiin kara Horumar iyo Nabad waarta.

Dhinaca kale waxaa shalay ka dhacay magaalada Columbus Ohio shir weyne ay isugu yimaadeen dhamaan qeeybaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaladaasi sida Odoyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanda, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka shirkaas oo lagu lafa gurayay qaabkii loo soo dhaweeyn lahaa Madaxweeyne Xasan Sheekh Iyo Wafdigiisa balaaran.

Isku soo wada duuboo waxaa si xoowli ah uga socda magaalooyinka Washington iyo Columbus Ohio qaban qaabada soo dhaweeynta Madaxweeynaha iyo Wafdigiisa iyada oo ay qeeybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee magaalooyinkaas u diyaar garoobayaan inay si diiran oo aan abid horey loo arag u soo dhaweeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com