War Deg Deg Ah: Xaalada Axmed Madoobe & Xaalada Kismaayo Oo Kacsan

0

Breaking-NewsKismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha Magaalada Kismaayo ka socda dagaalo culus oo la sheegayo inay u dhexeyaan Maleeshiiyooyin Tageersan Axmed Madoobe iyo kuwa kale oo aan la aqoon cidda ay ka amar qaataan,waxaana la sheegaya in dagaalkaasi uu yahay mid teel teel uga socda Xaafadaha Qaarkood.

Sidoo kale waxaa qarixii maanta la sheegayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 ruux kuwaasi oo intooda badan ahaa ilaaladii la socotey Hogaanka Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe,waxaana la sheegaya in Axmed Madoobe uu dhaawac halis ahi ka soo gaaray Madaxa isla markaasna hadda lagu daawaynayo isbitaalka ciidamada kiiniya ee ku yaala garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa  la sheegaya inuu qaraxaasi ku geeriyoodey masuul ka tirsan Jabhadda Raaskambooni kaasi oo aan magaciisa la shaacin,waxaana la sheegaya in masuulka geeriyooday ay isku gaari saarnayeen Hogaanka Jabhadda Raaskambooni,waxanaa qaraxani lagu tilmaamay kii u horeyey ee Alshabaab la bartilmaameedsadaan Axmed Madoobe iyagoo dhawr jeer oo hore wacad ku maray inay ka taqalusi doonaan.

Ugu dambeyntii wararka Allgalgaduud ka haleyso illo wareedyo u dhaw dhaw Maamulka Jabhadda Raaskambooni ayaa sheegaya in Dhaawac Axmed Madoobe loo duulin doono Magaalada Nairobi halkaasi oo dhaawaciisa lagu soo daaweyn doono,waxaana wararku sheegayaan inuu ku jiro xaalad khataar ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com