War Deg Deg Ah: Webiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Magaalada Jowhar.

0

Breaking_NewsJowhar (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in saakay uu halkaasi ka bilowday barakac weyn ka dib markii ay magaalada qeybo ka mid ah ay soo galeen biyaha fatahaadda webiga Shabeelle oo uga yimid magaalada dhanka waqooyi gaar ahaan buundada Abshir Cali guure.

Sida warku sheegayaan biyaha Webiga ayaa kaabiga ku haya afka hore ee looga baxo magaalada Jowhar, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in biyo aan badneyn ay qeybo ka mid ah magaalada galeen, waxaana socda dadaalo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka iyo dadka reer Jowhar si ay u xakameeyaan biyaha, isla markaasna uga difaacaan inay gudaha u galaan magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in saakay uu magaalada ka jiro barakac weyn, iyadoo magaalada lagu arkayo dad qaxaya si ay uga baxsadaan biyaha, waxaana barakaca uu ka jiraa dhanka qoraxsin ee magaalada Jowhar oo loo yaqaano Hanti-wadaag, waxayna dadka u baxsanayaan dhanka bari ee loo yaqaano Horseed si ay uga nabadgalaan biyaha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar ay dadka ku amrayaan inaysan guryahooda ka barakcin, isla markaasna ay iyaga iyo dadka iska kaashadaan sidii aysan biyaha magaalada u soo gelin, waxaana magaalada dhex wareegaya hadda sida ay dadka qaar noo sheegeen gaadiid lagu soo xiray samaacado waa weyn kuwaas oo dadka loogu sheegayo inay guryahooda ku negaadaan, aysanna sameyn wax barakac ah.

Dadka degmada Jowhar ayaa walaac xoogan ka muujinaya amarka ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada ee dadka loogu sheegay inaysan ka barakicin fatahaadda biyaha webiga shabeelle, ayna maamulka iyo iyagu iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa in biyaha gudaha u soo galaan magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com