Madaxweyne Xassan Sheekh Iyo Faroole Oo Ku Wada Sugan Magaalada Dubai.

0

garoweDubai (AGGM): Magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo maalintii shalay uu ka furmay shir looga hadllayo arrimaha burcad badeeda, ayaa waxaa xiligan ku sugan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in wakiilka  QM  ee Soomaaliya Nicholas Kay uu halkaa ka wado dadaal uu ku doonayo in uu labada mas’uul meel isugu keeno isaga tiro labo jeer ka badan kulamo la qaatay madaweynaha Puntland C/raxmaan  Faroole, oo ay ka wada hadlleen khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Nicholas Kay ayaa sheegay in ay muhiin tahay is faham siyaasadeed oo ay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Puntland, isaga oo intaa ku darray in ay isfamkaas uu fure u noqon karo geedi socodka siyaasada Soomaaliya iyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in dowladda Itoobiya xusul duub ugu jirto sidii ay meel isugu keeni laheyd madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac.

Maamul goboleedka Puntland ayaa horay u sheegay in ay xiriirkii siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka gabi ahaanba uu meesha ka baxay, waxaana ay dhawaan qaadacday ka qeyb-gallka shirweynihii Qaran ee ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com