Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Qaraxi Lala Beegsaday.

0

axmed madoobeKismaayo (AGGM): Horjoogaha Mlaeeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo.

Axmed Madoobe oo xilligii uu shirka jaraa’id qabanayay ay xaaladiisu caafimaad ahayd mid aad u wanaagsan, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay qaraxii maanta lala eegtay kolonyadii uu la socday.

Horjoogaha maleeshiyo beleedka Raaskambooni ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay ku soo qaadeen kooxaha xagjirka ah oo uu ka tisanaa, isagoona sidoo kale tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka, islamarkaana caafimaad u rajeeyay dadka ku waxyeeloobay.

Weerarkan ayaa ilaa imika inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay ilaa 15 qof oo u badan dad rayid ah, iyadoo dadka ku dhaawacmay ay ka badanyihin ilaa 20 qof.

Hadalkan kasoo yeeray horjoogahagaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa meesha ka saaraya warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhaawacmay weerarkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com